TOP NEWS: Ciiddanka Kenya Oo Sheegtay Inay Dagaalamayaal Alshabaab Ah Ku Dileen Dagaal Ka Dhacay Duleedka Kismaayo

0

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi ayey ku sheegteen inay 3 Dagaalamayaal Alshabaab ku dileen Is-rasaasayn ka dhacday Tuulladda Buulo Xaaji oo qiyaastii 90-KM u jirta magaallo-madaxda Gobalka J/Hoose ee Kismaayo.

Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Ciiddanka Kenya iska horimaadkaasi ku qabteen Hal dagaalame, 2 qori oo AK 47 ah iyo mid noociisu yahay SAAR iyo rasaas badan, waa sida hadalka loo dhigay.

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel Paul Najuguna ayaa sheegay inuu iska horimaadkaasi oo dhacay habeen hore, xilli ay Ciiddanka Kenya socod ilaalo ah ku marayeen Deegaanku ku yaalla duleedka Kismaayo.

Waxa uu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan inay taageeraan Hawlgalladda AMISOM ee lagu doonayo in lagu soo celiyo Deganaanshaha Somalia.

Dhinaca kale, Dagaalamayaasha Alshabaab weli kama hadlin sheegashadda Ciiddanka Kenya, mana jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here