TOP NEWS: Ammaanka Kismaayo oo aad loo adkeeyey & Kheyre oo ku wajahan

0

Ammaanka Magalada Kismaayo ayaa Maanta siweyn loo adkeeyey,halkaas oo Maanta oo Jimco ah la filayo in uu gaaro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre.

Shalay ayaa waxaa Magalada Kismaayo gaaray wafdi hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah ciidamada ilaalada khaaska ah ee Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya ayaa markii uu tago Magalada Kismaayo waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxda ugu sareysa Maamulka Jubbaland oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin kale.

U jeedka Kheyre ee safarka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu qeyb ka yahay xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland oo mudo soo jiitamayay,waxaana la sheegay in arrintaasi ay ka Shaqeeyeen Xildhibaano ka tirsan labada Aqal.

Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta ka duwan sidii hore,waxaana wariyeyaasha ku sugan ay soo sheegayaan in Ciidamada Jubbaland ay Maanta siweyn u adkeynayaan amniga Magaalada,isla markaana lagu arkayo wadooyinka m,uhiimka ah ee Magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here