The Nun oo Boxoffice-ka iska heesto halka Paltan iyo Laila Majnu aysan meelna u soconin

0

Filimka Hollywood-ka ee cabsida badan The Nun ayaa 9.50 Crore (Trade Figure) keenay maalintii shalay ahayd (Sabti) wuxuuna haatan ganacsigiisa mudo labo maalmood marayaa 17.50 Crore (Trade Figure).

The Nun sare u kac 20% ayuu sameeyay shalay oo sabti ahayd balse maanta oo Axad ah ayuu sii karaar qaadan doonaa madaama hawlaha laga nasanaayo wuxuuna u muuqdaa markale in Hollywood-ka gudaha Hindiya aflaantooda guulo wacan ka gaarayaan.

The Nun waa inuu maal maha shaqada ganacsi ahaan is celiyaa Isniin ilaa Khamiis haddii uu gaari karo taxanahan cabsida badan qaybtiisii Conjuring 2 oo gudaha Hindiya ganacsi 60 Crore gaarayo ka sameeyay.

Fadlan hoos kaga bogo The Nun ganacsiga uu ilaa haatan sameeyay soona daabacday shabakada shabakada Boxoffice India (BOI):

Khamiis – 25 Lakh (gelinkii dambe ayaa tiyaataro kooban laga daawaday)

Jimco – 7.75 Crore

Sabti – 9.50 Crore

Wadarta Guud – 17.50 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka dagaalka ah Paltan ayaa sare u kac 40% ganacsigiisa maalinta labaad sameeyay balse sare u kacaan waxba uma taraayo madaama ganacsigiisa labada maalmood aad u hooseeyo sidoo kalena weli hal maalin labo Crore ganacsi ah ma uusan sameynin.

Fadlan hoos ka eeg Paltan iyo ganacsigiisa labada maalmood uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 1.20 Crore

Sabti – 1.70 Crore

Wadarta Guud – 2.90 Crore (Trade Figure)

Ugu dambeyntii filimka jaceylka ah Laila Majnu siweyn ayuu u bur buray waxaana Director ka Sajid Ali oo la dhashay filim sameeye Imtiaz Ali laakiin soo dhaweyn fiican Bollywood-ka kama helin dhalinyarada uu soo caan bixiyay iyo sheekadiisaba daawadayaasha wey iska diideen sida hoos ka arki kartid:

Jimco – 35 Lakh

Sabti – 50 Lakh

Wadarta Guud – 85 Lakh (Trade Figure)

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here