Taliye Saldhig Boolis oo toogasho ku dilay Gudoomiye ku-xigeen degmo

0
212

Guddoomiye ku xigeenkii degmada Xaafuun ee Gobolka Karkaar Maamulka puntland ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas uu ku furay taliyaha Saldhiga Booliiska degmadaasi.

Rasaasta oo taliyaha ku furay masuulka geeriyooday ayaa timid ka dib muran soo kala dhex galay kaasoo salka ku hayey arrimo la xiriira muran dhul.

Marxuum Maxamed Muuse Bahaley oo dhaawac ahaan loo jiifiyey Isbitaalka Boosaaso ayaa geeriyooday dhaawacyadii ka soo gaaray rasaasta lagu furay.

Gudoomiyaha gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland ayaa Warbaahinta ka howlgasha gudaha Puntland u sheegay in dhacdadan ay aheyd mid laga naxay oo si kedis ah u dhacday.

laamaha amniga gobolka Karkaar ayuu sheegay inay baaritano ku hayaan falkan dhacay iyo sababta ka dambeysay isagoo aan sheegin in taliyaha dilka geystay la xiray iyo in kale.

Bishii Oktoobar ee sanadkan ayey aheyd markii Taliye ku-xigeenka Booliska Puntland uu ku dhaawacmay rasaas uu riday taliyaha booliska Puntland C/qaadir Shire Faarax Ereg, kaasoo rasaastaasi u waday balse la waayey guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here