Super Star Akshay Kumar Iyo Xidigaha Uu Bollywoodka Ka Taageero Wax Ka Baro!!

0

Boqorka shactirada atooraha loo magacaabay qarnigaan cusub Akshay Kumar ayaa maanta u dabaal dagaayo sanad guuradiisa dhaalsho isagoo dhashtay maanta oo kale 9 Sep 1967 waxuuna jirsaday 51 sano sidaa aawged xog walba oo jilaagan kusaabsan ayaan idiin la wadaagi doonaa.

Super Star Akshay Kumar waa mid kamid ah xidigaha ugu awooda badan xiligaan la joogo asigoo shacbiyad balaaran ku leh gudaha India iyo daafaha caalamkaba.

Hadaba waxaa jirto xidig walbo oo Bollywoodka ka tirsan inuu xiiseyo xidig kale oo isna Bollywoodka katirsan.

Xidigaas uu taageraha u yahay ama fanka hakaga soo horeyo ama hakaga dambeye, sidaa awged waxaan idiin heyna in Akki taagero u yahay atooraha dhalinta Ranver Singh.

Wax lala yaabo ma ahan waayo Ranver shaqsi walbo ayuu jaceyl ka keensada, sidaa awged Ranver wuxuu soo galay liiska xidigaha uu akki shirkadaan ugu jecel yahay qaab jiliinkooda.

Akki wuxuu taagero rasmi ah u yahay xidigaha kala ah Amitabh Bachchan, Dilip Kumar, Kamal Haasan iyo waliba Ranver Singh, waana shaqsiyaad meel weyn kaga yaalan xidigaan.

Dhanka atariishoyinka wuxuu aad u taagera xidigta weyn ee awooda badan Sridevi, dhanka filimada uu aadka ujecelyahay, waan kaxunahay ma aynan helin filim Bollywood ah oo uu Akki xiiseyo.

Waa macquul in aan wali la sheegin balse ay jiraan aflaam Bollywood ah oo uu jecel yahay xidigaan, laakin filimka Italian ka ah ee Life Is Beautiful ayuu aad u jecel yahay Akki waana filim usan ka dhargeenin daawashadiisa.

dhanka Sportska, ciyaaraha uu xiiseyo waxaa kamid ah Cricket ka iyo ciyaarta Karateega oo ah xirfadiisa gaarka ah taaso uu kusoo bartay Bangkok markii uu ka shaqeen jiray halkaas waayihiisa nolosha ugu xumeed.

Goobaha dalxiiska inuu u aado uu jecel yahana waa Goa iyo Canada, aqriste hadaa isku dooq tihiin Akshay Kumar waad nala wadaagi kartaa maadama ay macquul tahay inee meelo gaar ah isaga ekaataan.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here