Soomaaliland oo digniin u dirtay Musharixiinta Puntland

0

Saleeban Yuusuf Cali oo ah Wasiirka wasarada biyahaSomaliland ayaa waxaa uu diigniin adag u diray musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxtinimadaee Maamulka Puntland.

Waxaa uuna sheegay Wasiirka in Soomaaliland aysan Marna Aqbali doonin in Musharixiinta Puntland ay u olaleyaaan soo celinta gobalka Sool iyo Sanaag, isagoona sheegay inuu arintaasi kaga digayo musharixiinta.

Wasiir ayaa si cad u sheegay In Puntland aaney qabsan Karin Gobalada Sool iyo Sanaag, isagoona ku goodiyay in Somaliland ay awood ciidan oo ku filan ay leedahay, islamarkaana ay arintaasi wax ka qaban doonto.

Musharixiin badan oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa hada waxaa ay ololahooda ka wadaan deegaano ka tirsan Gobalada Sool iyo Sanaag.

Lama oga sida ay Musharixiinta Puntland ugu falcelin doonaan Hadalka ka soo ka soo baxay Soomaaliland.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here