Somaliland Oo Xukun Ku Riday Wadaad Caanka Ah Iyo Dhalinyaro La Socotay….

0

Maxkamada Magalada Hargeysa Ayaa Maanta Waxa Ay Xukun Ku Riday Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunni) Oo Ka Mid Ah Wadaada Caanka Ka Ah Deegaanada Soomaaliland.

Sheekha Ayaa Sanadkii 2017,Waxaa Xabsiga Dhigay Ciidamada Booliska Soomaaliland,Isaga Iyo 7 Dhalinyaro Ah,Iyada Oo Lagu Eedeeyey Falal La Xiriiria Argagaxisanimo Iyo Kicin Dadweyne Ka Dib Khudbad Uu Ka Jeediyey Mid Ka Mid Ah Masaajidyada Waaweyn Ee Magalada Hargeysa.

Maxkamada Hargeysa Ayaa Ugu Dambeyn Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame(Aadan Sunni) Waxa Ay Ku Xukuntay Xabsi Muddo 5-Sano Ah Halka 7 Dhalinyarada Kale Ahaa Ee Horay Loola Xirey Lagu Xukumay Xabsi U Dhaxeeya 1-9 Sanno.

Soomaaliland Ayaa Waxaa Ay Horey Xukuno U Badan Xabsi Ku Riday,Siyaasiyiin,Odayaal Iyo Wariyeyaal Wallow Intooda Badan Lagu Siidaayey Cafis Madaxweyne.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here