Somaliland oo Hanjabaad Culus u dirtay Siyaasiinta iyo Wariyaasha taga Magaalada Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland Cusmaan Cabdullaahi Saxardiid Cadaani ayaa sheegay inaan loo dulqdaan doonin in siyaasiintu iyo suxufiyiintu iska tagaan muqdisho islamarkaan ay kusoo laabtaan magaalada Hargeysa iyagoo ka ololeynaya qaranimada Somaliland Sida uu yiri wasiir saxardiid oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.

Wasiirka warfaafintu waxaa uu sheegay in umadda Somaliland ay go’aansatay inay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale islamarakaana aan laga yeeli doonin cidna ku xadgudubka jiritaanka dowladnimo ee Soomaaliland.

Wariye Cabdimaalik Coldoon oo arimaha bulshada ka shaqeeya ayaa hada ku xiran magaalada Hargeysa markii uu dhaawan ka laabtay magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

error: Content is protected !!