Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur : Qaraxa Soobe ka dib Maxay tahay in la qabto?

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah siyaasi Soomaaliyeed xilal kala duwana soo qabtay ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo qaraxiii dhacay, Dhibaatada ka dhalatay, Sida loo gurmaday iyo Fursad uu sheegay in laga heli karo Musiibada ay geystaan Shabaab.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inay hadda furan tahay fursad shacabka lagu kicin karo isla markaasna meesha looga saari karo Al-Shabaab, wuxuuna tusaale usoo qaatay markii Maxkamadaha Islaamiga ay dalka qabsanayeen oo dadka lagu kiciyey Mashruucii ahaa (Ashahaado la diri).

Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo laga fahmay waxyaabo badan:

Waxaan bogaadinayaa dhalinyarada is xilqaamay ee dhaawaca guraya, kala soocaya xaaladaha culus iyo kuwa fudud, isku baadi goobaya dadka kala maqan. Waxaan kaloo bogaadinayaa dawladaha gurmadka degdeg ah soo fidiyey iyo kuwa soo socda intaba.

Waxaa la yiraahdaa erayga “crisis” dhibaato ama musiibo wuxuu leeyahay labo macno oo ah dhib iyo fursad. Hadaba waxaa muuqata in Soomaalida iyo aduun kuba ay si isku mid ugu soo joog sadeen falceliska xasuuqa ay Alshabaab gaysteen. Waa kii ugu waynaa xaga khasaaraha 9/11 ka dib.

Hadii aan baroordiiqda iyo gurmadka degdeg ah ka baxno waa in dhanka fursada dadka looga faa’iideeyo.

Sababtoo ah waa daqiiqadii uu hogaanku dafi lahaa, la iman lahaa hal abuur cusub oo cod iyo ficilba leh. Cod dadka fariinta hadal lagu deeqsiiyo, dareenkooda lagu kiciyo, loogu dardaar weriyo, iyo ficil shacabka lagu abaabulo, lagu doono midnimo iyo wadajir, la isugu yeero madaxda Siyaasada iyo maamul Goboleedyada, naf la geliyo Golaha Amniga Qaranka, la isku aadiyo Culimada, Abwaanada, Aqoon yahanka, lagu dhiso mooralka Ciidanka, laguna xisaabtamo kuwa masuuliyadooda gabay.

Ka dibna la diyaariyo siyaasado iyo istiraatiijiyad looga faa’iidaysto dareenka cusub ee ay dunidu kaga jawaabi doonto xasuuqii Xamar. Markaas ayaan xasuuqa ka jawaabi karnaa Shabaabna jebi karnaa,shacabkeenana u aargudi karnaa.

Waxay joogtaa maalintiyoo kale, maalintii magacyo la bixin lahaa sida maalinkii Muqdisho looga dhawaaqay “Ashahaado la dirir” Ma ka faa’iidaysan doonaa mise meeshii hore ayaan ka miisi doonaa???

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII