‘Singham 3’ Mise ‘Golmaal 5’? Ajay Devgn Oo Ka Hadlay Filim-ka La Soo Hor Saari Doono.

0

Aktarka Ajay Devgn ayaa sanadkan soo saari doona qaybo cusub oo filimaan aad loo jecel yahay oo uu horay u soo matalay qaybohooda kale.

Singham’ & ‘Golmaal’ ayaa ah filimo xiiso leh oo ay si weyn u jecel yihiin dadka xiiseeya daawada filimada hindiga ah.

Soo saaraha labadaas filim oo ah Rohit Shetty ayaa xaqiijiyay in isaga iyo Ajay ay soo saari doonaan qaybo cusub oo filim-kaas ah.

‘Golmaal 5’ & ‘Singham 3’ ayaa ah filim-ada uu soo wado Aktarka caanka ah ee Ajay Devgan kuwaas oo la sugayo daawadashadoda.

Xilli uu ku jiray waraysi ayaa Ajay la waydiiyay filim-ka soo hor bixi doona labadiisa filim ee ‘Golmaal 5’ & ‘Singham 3’.

Si kasta ha ahaatee Aktarka ayaa qirtay in ay wali ku khal-khasan yihiin filim-ka ay tahay in ay soo hor saaraan ‘Singham 3’ Mise ‘Golmaal 5’.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here