Shirka Tubta Amniga Iyo Cadaaladda Oo Looga Hadlay Qaab Dhismeedka Ciidanka Sugaya Amniga Doorashooyinka

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shirka tubta amniga iyo cadaaladda oo lagu qabtay xarunta wasaaradda amniga gudaha.

Shirka ayaa waxaa  looga hadlay dhammaystirka hab-raaca cusub ee maamulka iyo maaliyadda ciidanka, qaab dhismeedka ciidanka sugaya amniga doorashooyinka, halka ay marayso diiwaan gelinta ciidanka, qorshaha ciidanka hawl-gabka ah, naafada iyo agoonta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shirka ka sheegay in hadafka guud ee tubta amniga iyo cadaaladda uu yahay in dalka laga hir-geliyo hay’ado amni iyo caddaaladeed oo aad u hagaagsan, xasiloon oo leh siyaasado, sharciyo iyo hannaan maamullo saxan oo xaqiijin kara himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Halbeegyada wasaaradda difaaca dalku ay ku leedahay Tubta Amniga iyo Cadaalada ayaa waxaa qayb ka ah qiimaynta iyo sugidda amniga goobaha loo cayimo wacyi gelinta, diiwaan gelinta iyo xarumaha ay dadku codkooda ku dhiibayanaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here