Shir dalalka IGAD ugu soo gaba gaboobay Jabuuti

0

Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirkii looga hadlayay arrimaha barakacayaasha, qaxootiga iyo muhaajiriinta ee maalmahan dambe saameynta xoogga leh ku yeeshay dalalka Bariga Afrika.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay urur goboleedka IGAD ayaa waxaa ka qeyb galay wufuud ka kala socotay dalalka xubinta ka ah IGAD oo ay qeyb ka tahay Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay shirkan inuu ku saabsanaa sidii maalgelin loogu sameyn lahaa dhibaatada balaaran ee ka jirta dalalka gobolka.

Wuxuu sheegay in Dowladda Jarmalka ay balanqaaday inay bixiso lacag dhan 20 Million oo lagu taageerayo arrimaha barakacayaasha, qaxootiga iyo muhaajiriinta, balse wuxuu tilmaamay in mashquuraacan aysan ku filneyn lacagtaas, loona baahan yahay dhaqaale dheeraad ah, sidaasi darteedna la abuuray sanduuq dhaqaale lagu aruurinayao.

“Shirkan wuxuu ku saabsanaa sidii maalgelin loogu sameyn lahaa dhibaatada badan ee ka jirta gobolka ee ku saabsan qaxootiga, dowladda Jarmalka ay balanqaaday inay bixiso 20 Million balse lacagtaas kuma filna arrimahan, waxaanu sameyneynaa mashruuc kale oo dhaqaale lagu aruurinayo.” Ayuu yiri Maxbuub Macalin.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaaladaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cadde Muqtaar oo horkacaya wafdiga dowladda Soomaaliya ka socda ee shirkan ka qeyb galaya ayaa sheegay shirkan inuu ku  soo dhamaaday guul oo Soomaaliyana ay faa’idooyin badan ugu jirto.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here