SHEEKO WAX TAR LEH OO DHEX MARTAY NIN & XAASKII

Ninka: Casar ma tukatay,

=Xaaska: maya,

-Ninka: maxaa u tukan weysay,

=Xaaska: shaqo ayaan qabtay waan daalanaa dabadeed xoogaa yar ayaan jiiftay ka dibna wey ila tagtay hurdada, 

-Ninka: orod casir iyo maqrib soo tuko intaanan cishaha la aadaamin.

Maalintii dambe shaqadiisa ayuu aaday sida caadada eheed markii uu shaqada tago wuu soo wici jiray Gabadha oo wuxuu dhihi jiray waan nabad tagay Xabiibi, balse maanta ma soo wicin,dabadeed iyada ayaa wacday telkana kama uusan qabanin mar labaad. saddexaad, Afaraad, balse kama jawaabin yeelkeeda Xaaskii ayadoo murugsan oo is leh tolow ma wadada ayey wax ku qabsadeen ….ayuu soo wacay.

=Xaaska: ma nabad tagtay?
-Ninka: haa waan nabad taga Alx.
=Xaaska: goormee tagtay?
-Ninka: ku dhawaad afarsaac ka hor.

=Xaaska: ayadoo xanaaqsan!! Afar saac ka hor ayaa tagtay telka igama qabanin ee ma igu dhageysaney?
-Ninka: maya, waan ku maqlaayay.
=Xaaska: maxaa ii soo wici weysay?
-Ninka: waan daalanaa ee xoogaa ayaan jiiftay hurdaana ila tagtay.

=Xaaska: telka dhicitaankiisa ma maqleynin miyaa?

-Ninka: haa waa maqlaayay, lkn adiga shalay wicitaanka Ilaahay adoo maqlaaya ayaad seexatay soo maahan maanta na markaad isoo wacday oo aan telka kugu dhageystay waad xanaaqday bal kawaran Allihii ku abuuray oo kuu wacaya ayaad dhageysatay .

=Xaaskii wax jawaab ah waa laga heli waayay, waxeyna tiri iga raalli noqo waan ka xumahaye
-Ninka: Aniga wax raali galin ah makaa rabo ee Rabigaa Raali gali ooDambi dhaafna weydiiso
Maalintaas wixii ka bilaawday hal salaad oo faral ah kama aysan dib dhicin gabadhii.

Allahayow kuwii waanada qaata oo is maqla naga dhig

In aad share dhahdo qasab maahan lkn waa kuu fadli

Waxaa Qoray: Amoore Barre

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII