Shah Rukh Khan Oo Sheegay Sabab La Yaab Leh Oo Uuna Filim Ugala Soo Muuqan Karin Akshay Kumar.

0

Aktarka Shah Rukh Khan ayaa shaaca ka qaaday sabab la yaab leh oo uuna Filim ugala soo muuqan karin Aktarka Akshay Kumar.

Labada Aktar ayaa ka mid ah kuwa loogu jecel yahay Bollywood-ka iyaga oo wakhtigooda ku samaystay taageerayaal badan sabab la xidhiidha filimada cajiibka ah ee ay soo saaraan.

Atarka Shah Rukh Khan ayaa dhawaan la waydiiyay in uu la shaqayn lahaa Aktarka Akshay Kumar kalana soo muuqan lahaa filim mustaqbalka.

Laakiin Shah Rukh Khan ayaa sheegay in uuna La shaqayn karin Akshay Kumar sabab la xidhiidha in uu Akshay koco wakhti ka horeeya isaga halka uu sidoo kale seexdo wakhtiga uu Akshay shaqada ku jiro sidaas darteed uuna shaqayn karin wakhtiyada uu Akshay kumar shaqeeyo.

Sidoo kale waxa uu Shah Rukh Khan Sheegay in uu Akshay jecelyahay in uu filimada duubo habeenimada halka uuna isagu jeclayn arintaas.

Laakiin Shah Khan ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in uu la shaqeeyo inkasta oo ayna wakhtiyadooda shaqadu isku mid ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here