Shah Rukh Khan Oo Balanqaad U Sameeyey Dadka Ku Nool Magaalada Kolkata Kadib Markii Uu Ka Qeyb Galay Xaflada Jimcaddii Ee Dhaqanka

Jilaaga caanka ah ee Shah Rukh Khan ayaa mar walba jecel inuu hormariyo awoodiisa Bollywood-ka ,waxaana uu sidoo kale jilaagaan mar walba haminayaa inuu sameyo wax ka duwan jilaayaasha kale waxa ay sameeyaan.

King Khan ayaa ka dhawaajiyey inuu dhawaan damacsan yahay inuu barto luqada Bangla  , maadaama uu sheegay inuu aad u jecel yahay ku hadalka luqadaas.

Shah Rukh Khan ayaa ka qeyb galay xaflada lagu bixiyo abaalmarinta ee Kolkata International Film Festival (KIFF) markii 23aad , waxaana xafladaasi la qabtay maalintii jimcada.

Shah Rukh Khan ayaa dadka reer Kolkota kula hadlay lahjadooda waxaana uu u balanqaaday inuu barandoono sanadka soo socda.

‘’Waxaan balanqaadayaa inaan barndoono luqada Bangala, waxaan rajeynayaa inuu noqdo wax wanaagsan ku hadalkeeda, waaana isu daygeyga cusub 8-deedaan sarac ee aan idin la hortaaganahay, Maxaa yeelay sanadka soo socda waxaan jeclahay inaan ku hadlo iyadoo saxan sanadka soo socda.

‘’Waxaana sharaf ii ah inaan xaadir ahaado xafladaan, Kolkata waa magaalada dhaqanka , waa magaalada aad u wanaagsan ‘’ ayuu luqada kolota oo u qoran sidaan kusoo qortay.

Lahajada Bangla ‘’ Ei film festival er bishesh onusthane uposthith thakte pere sammanito bodh korchi, Sanskriti ebong oitihjjyor ei shohor, Shob cheye Mishti Shohor Kolkata.

Shah Rukh Khan ayaa kamid ah jilaayaasha caanka ah ee Bollywood-ka waxaana uu ku yeeshay saameyn xoogan.

Waxaa Qoray: Amoore Barre

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII