Shabakad ka shaqeysa sameynta doolar Been abuur ah oo lagu qabtay Muqdisho.

0

War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda Nabad Sugida iyo Sidrdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee ( NISA) oo lagu daabacay barta Twitterka hay’adda ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka garoonka Muqdisho ay gacanta ku dhigeen Shabakad ka shaqeysa lacag dhaqidda iyo sameynta doollar been abuur ah.

Hay’adaha ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday in labo ruux lagu qabtay Shabakadda lacagta dhaqda , islamarkaana NISA waxaa ay sheegtay in kuwo kalana lagu daba jiro, Waxaa uuna howlgalkan ka dhacay Gudaha garoonka Diyaaradaha Mqdisho ee Aadan Cadde.

“Ciidamada amaanka garoonka Adan Cade ee Muqdisho, waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-danbiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba kamid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu dabajiraa,”.

Hay’adda Nabadsugidda ayaa sheegtay in shabakaddaas uu howlaha u sahlay mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ,waxana galka baarista ee shabakadda loo gudbiyay hay’adaha sharciga.

Nin lagu eedeeyay in uu Qarax u diyaariyay Doorashadda dhexe ee Mareykanka oo la xiray

Nin qorsheeyay in uu isku qarxiyo Washington DC maalinta ku xigta maalinta ay dhaceeyso Doorashadda dhexe ee mareeykanka ayaa la qabtay eedeeynna lagu soo oogay, sida ay sheegeen xeer ilaalintu.

Waxay sheegeen Paul Rosenfeld oo 56 jir ah in uu sameeyay Bomb 91 Kg ah uuna doonayay in uu ku qarxiyo goob Dukaameeysi oo ku taala Caasimadda mareeykanka 6-da November.

Haddii lagu helo Dambiga ka dhalan kara eedda loo soo jeediyay waa 20 Sano oo xarig ah.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here