Sawirro:- Qeybo kamid ah Wadada Maka Al-Muramaha oo loo Xiray Gaari laga Shakiyey.

Inta u dhaxeyso Isgoysyada Shaqaalaha iyo Taleex waxaa Xiray Ciidamada Dowladd Soomaaliya, Xiritaanka wadada ayaa yimid kamid markii Gaari Nuuca Raaxada ah lagu arkay inta udhaxeyso Isgoysyadaasi, loogana shakiyey in ay Saaran yihiin ama ay ku xiran yihiin Walxaha Qarxa.

Ciidamada Dowladda ayaa Dadka Lugeynaya iyo Gaadiidka Cod baahiye ugu sheegaye in aanan wadadaas la mari karin, sababo la xiriira Gaariga laga shakisan yahan oo ay baaritaano ku sameynayaan Kooxo katirsan Ciidamada Miino baarista Booliiska Soomaaliyeed.

Gawaarida Nuuca Dagaalka oo Soomaalida ay u taqaan Cabdi bilaha ayaa lagu jaray Bartamaha Wadooyinka Xiran, Waxaanada Wadada loo diiday in ay isticmaalaan Dadka iyo Gaadiidka.

La soco wixii kasoo kordha.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII