SAWIRRO: Jaamacadda Carabta oo 4 Gaadiidka Gurmadka ugu deeqday Maamulka G/Banadir

0

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa afar gadiidka gurmadka degdegga ah ee Ambulance ugu deeqay maamulka Gobolka Banaadir

Gaadiidkan ayuu maamulka G/Banaadir kula wareegay dekadda magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo bandhigay xarunta maamulka ee degmada Xamarweyne, iyadoo qoraal kasoo baxay guddoomiye C/raxmaan Yariisow uu sheegay inay maamulkiisa dadka Muqdisho u keeneen gaadiidka.

Maamulka G/Banaadir oo 4 gaadiidka Gurmadka degdega ah ee Ambulaasyo u keenay si shacabka loogu adeego. Waxaa naga go’an garab istaaga shacabka si Caasimada Muqdisho ay u hormarto..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Guddoomiye Yariisow oo aan xusin in gaadiidkaasi uu yahay deeq ka timid Jaamacadda Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here