Sawirro:-Dad Ku Dhintay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Muqdisho…

0

Shilkaan Gaari Oo Sababey Khasaaro Dhimasho Iyo Dhaawac Ayaa Waxa Uu Ka Dhacay Xaafada Taleex Gaar Ahaan Agagaarka Maqaayada Fatxi Ee Degmada Hodan Gobolkan Banaadir.

Gaari Nooca Dadweynaha Ee  Loo Yaqaan Hoomayda Ayaa La Sheegay In Uu Ku Fariin Goostay Meel Aad Ugu Dhow Maqaaxida Fatxi,Sidaasina Uu Shilka Ku Yimid.

Dad Goobjoogayaal Ah Oo La Hadlay Ayaa Waxa Ay Sheegeen In Shilkaas Uu Ku Geeriyooday Hal Ruux Halka Mid Kale Uu Ku Dhaawacmay,Kuwaas Oo Ahaa Dad Ku Sugnaa Goob Ganacsi Oo Ku Taalla Goobta Uu Shilka Ka Dhacay.

Magalada Muqdisho Ayaa Mararka Qaar Waxaa Ka Dhaca Shilalka Gaari Kuwaas Oo Geystay Khasaaro Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here