SAWIRRO: Aby Ahmed Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Hoggaamiyeyaal Uu Ku Jiro Madaxweyne Farmaajo

0

Ra”iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Adis-aba madaxweynayaasha Soomaaliya,Chana iyo madaxweynaha dalka Botswana.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa maanta wada hadal la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Madaxweynaha Ghana Nana Akufo- Addo, iyo Madaxweynaha Botswana Mokgweetsi Masisi.

Hoggaamiyaasha ayaa ka wada xaajooday arrimo badan oo quseeya labada dhinac iyo gobolka intaba.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa la kulmay madaxweynaha Jabuuti Cismaaciil Cumar Geele iyo madaxweynaha Suudaan Cumar Hassan Albashiir.

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa magaalada Adis-ababa uga qeyb galay shir madaxeedka Midowga Afrika oo looga hadlay arrimaha Qaxootiga, Barakacayaasha Gudaha iyo kuwa Dibedda ka soo laabanaya ee Afrika.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here