SALMAN KHAN VS DEEPIKA PADUKONA: Tiyaatarada India Oo Mashquul Noqondoona Bisha December Salman Khan Ayaana U Sabab Ah

Maalmahaa Box Office-ka ayaa ka socda dagaal isdaba joog ah waxaana qaar kamid ah jilaayaasha Bollywood-ka ay soo bandhigayaan filimaan xiiso badan oo weliba jilaayaasha iyo Director-da filimadaas ay ku dagaalamayaan.

Dhawaan waxaa Box Office-ka gil gilay Ajay Devgan oo filimkiisa Golmaal Again noqday mid saameyn xoogan sameeyey, waxaana uu la dagaalamay filimka Secret Super Star kaas oo aan waxba ka sameeyn Box Office-ka muddo afar todobaad.

Salman Khan ayaa maalmahaan ku mashquulsan filimkiisa Tiger Zinda Hai  kaas oo shaley lasoo gaba gabeeyey waxaase dhiman in filimkaan leysku aadiyo kadibna lasiiyo warqada lagu fasaxayey filimkaan ama ay xaqiijineysey in la daawankaro.

Sheekada ugu hadal heynta badan ayaa ah in filimkaan iyo midka maalmahaan murankiisa socda ee Padmavati  oo Director ka ah Sanjey Leela Bhansali laga yaabo inay ku dagaalamaan Box Office-ka.

Filimkaan waxaa saameeynta ugu xoogan ku yeeshay markii la fiiriyey qaabka sheekada filimkaan loo diyaariyey ,waxaana la isku raacay inuu yahay filim dhibaato ku ah dhaqanka India

Salman Khan iyo Ranveer Singh ayaa ku dagaalamidoonaan Box Office-ka bisha December waa haddii filimka Padmavati la ogolaado in la daawado, sababtoo ah waa filim hormuud u ah dhamaan shaqsiyaadka ugu saameynta badan Bollywood-ka kasoo muuqanayaan.

Inkastoo dadka lala dagaalamayo ay yihiin Katrina Kaif iyo Salman Khan hadana waxaa la rumeysan in bisha December ay noqondoonto bil la wada sugidoono maadaama dagaalkii ugu xooganaa dhexmaridoona jilaayaal caan ah.

Sidoo kale filimka Padvamati waa filim uu kasoo muuqanayo Shahid Kapoor kaas oo isagana qeyb  ka ah jilaayaasha ugu caansan Bollywood-ka.

Bartamaha bisha December ayaa la rajeynayaa in labadaan filim la saaro shaashadaha caalamka waxaana la ogaandoonaa mid awood ku qabsandoona Box Office-ka.

Waxaa Qoray: Amoore Barre

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII