Salman Khan Oo Taageeray Director Sanjey Leela Bhansali ”Ilama Ahan Inuu Sameeynayo Filim Gudbinaya Fariin Qaldan Balse Go’aanka Aan Wada Sugno”

Dood xoogan ayaa ka jirta filimka Padmavati kaas oo lagu muransan yahay waxaana filimkaan weli aan loo fasixin xilliga la saari lahaa shaashadaha caalamka , waxaana leysku heystaa qaabka sheekada filimkaan loo sameeyey.

Sanjay Leela Bhansali ayaa filimkiisa muran xoogaan keenay inkastoo uu helay taageeriyaal badan oo taageeray filimkaan , balse kooxda bixisa shahaadooyinka filimaanta ee Central Board of Film Certification (CBFC oo weli diidan.

Sheekadaan waxaa wax laga weydiiyey Salman Khan oo kamid ah jilaayasha Bollywood-ka xiligaan ugu saameynta badan , waxaana uu sheegay Salman Khan in laga doonayo go’aan rasmi inay qaataan Guddiga Dhegeysiga Filimada Ee CBFC,  maxaa yeelay dooda waa ay dheeraatay.

‘’Waxaan doonayaa inaan dhaho guddiga waa inay go’aan ka qaataan filimkaan, Sanjay Leela Bhansali waxaa uu sameeyaa sheekooyin iyo filimaan qurxoon,’’ ayuu sheegay Salman Khan.

Filimka Padmavati ayaa lagu balansanaa in shaashadaha caalamka lasaaro December 1, laakiin sheekadaan waxaa ay ku xernaandoontaa in loo ogolaado shahaadaddii fasaxa.

Salman Khan ayaa daafacay Director-ka uu la shaqeeynayey waxaana ay iskala shaqeeyeen filimaanta kala ah Khamoshi, Hum Dil Chuke Sanam iyo Saawariya, ilaa iyo hadana ma aminsana in Director Sanjey uu sameynayo filim fariin qaldan gudbinaya.

‘’’’Aniga ahaan waa arin aad u wanaagsan iyo sheeko qurxoon , marna filimaantiisa ma gudbiyaan fariin qaldan , waxaan daremayaa in cadaadis uu jiro balse waxaan sugeynaa go’aanka.

Maadaama shaqsiyaad caan ah ay ka hadleen waxaa laga yaabaa in go’aanka ugu dammeeya la gaaridoonaa kuna saabsan fasaxidda filimka.

Waxaa Qoray: Amoore Barre

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII