Salman Khan Oo Hrithik Roshan Ka Badali Doona Filim-ka Uu Soo Saari Doono Rohit Dhawan & Sababta Oo La Ogaaday.

0

Aktarada Salman Khan & Hrithik Roshan ayaa leh Taageerayaal badan kuwaas oo kala socda adduunka oo dhan waliba xiiseeya filimadooda kala duwan ee Hindiga ah.

Waxa saacadihii ugu dambeeyay soo baxaya in uu Aktarka Hrithik Roshan soo matali doono filim uu soo saare ka yahay Rohit Dhawan laakiin waxa aan laga soo saarin xog intaas dheer.

Haatan sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay Salman Khan ayaa laga yaabaa in uu Hrithik ka badalayo Filim-ka uu soo saari doono Rohit Dhawan.

Sababta ayaa lagu sheegayaa in Salman Khan uu shaqsi ahaan ugu dhaw yahay Aabaha Soo saaraha Filim-ka Rohit ee David Dhawan iyada oo wararku sheegayaan in uu Salman ka soo muuqan doono booska Hrithik.

Dhanka filimadooda haatan Salman ayaa dhawaan soo saari doona filim-kiisa sida weyn loo sugayo ee ‘Bharat’ kaas oo uu kula jiro Katrina Kaif, Disha Patani, Jackie Shroff, Tabu, Sunil Grover & Aktaro kale.

Hrithik Roshan ayaa dhawankiisa dhawaan soo saari doona filim-kiisa ‘Super 30’ kaas oo la daawan doono Isla Sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here