Salman Khan Oo Dacwad Laga Gudbiyay & Geed La Jaray Oo Sabab U Ah

0

Aktarka caanka ah ee Salman Khan ayaa mar kale wajahaya dhibaato dhanka dawlada ah iyada oo markan lagu haysto dhibaato ka dhacday dhisme uu ku leeyhay magaalada Mumbai.

Salman Khan ayaa Mumbai ku leh dhisme uu ka kireeyay hudheel cuntada lagu kariyo taas oo ka xanaajisay dadkii daganaa meelaha u dhaw Hudheelkaas.

Khilaafka ayaa ka dhashay in milkiilayaasha kiraystay huheelka in ay jareen geed u dhawaa hudheelka taas oo ka naajisay dadka dagan meelaha u dhaw hudheelka.

Sida ay sheegayaan wararku maamulka hudheelka ayaa geedka u arka mid hos istaagaya wakhtiyada loo baahan yahay gargaarka deg-dega ah sidaas darteed ay laagama maarmaan tahay in la jaro geedkaas.

Laakiin dadka dagan halkaas ayaa Aktarka ka gudbiyay dacwada kadib markii uu dadka ka kiraystay hudheelka u ogolaaday in ay jaraan geedka.

Aktarka 53 jirka ah oo ku mashquulsan filimadiisa soo socda ayaan waxba ka odhan arintaas laakiin waxa ay wararku sheegayaa in todobaadka dambe go,aan laga soo saari doono arintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here