RW Kheyre oo iclaamiyay in bisha Julaay 4teeda Galmudug ay yeelan doonto Madaxweyne Cusub

0

Xassan Cali Kheyre oo maalmahan ku jiray qorshe lagu ceyrinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmad Ducaale Xaaf  islamarkaana lagu kala dirayo maamulka ay horseedka ka tahay Ahlu Sunna Wajameeca  ayaa xalay isaga oo jooga magaalada Kismaanyo sheegay in Galmudug ay Madaxweyne Cusub yeelan doonto bisha Juulaay 4teeda.

Waxa uu yiri “waxa socota qaban-qaabadda Doorashada Madaxweynaha oo ka dhici doonta magaalada Cadaaddo”. Waxaa uu intaas ku daray in go’aankaan ay qayb ka yihiin xildhibaanada iyo Wasiiradda uu isaga garabka ka haysto.

Talabadaan uu iclaamiyay RW Kheyre ayaa waxa ay keeni doontaa in dagaal hor leh oo ka dhaco deegaanka Galmudug.  Dhanka kale Fahad Yasin ayaa dhankiisa sheegay in deegaanka Galmudug ay joogaan Ciidamo ka tirsan NISA oo sugi kara amaanka deegaanka. Mar la waydiiyay in dagaal ka dhalan karo tilaabada dowlada qaadeyso ayaa yiri, “xiligii beelaha qaar ay awood sheegan jireen waa laga soo gudbay, kuwii xamar joogay oo Soomaaliya u qafaalnayd mudo 28 sano ah ayaanu xaniinyaha ka siibnay kuwo Galgaduud jooga waxba nagama qaadi karaan”.

Farmaajo iyo Kheyre ayaan wali go’aan kama danbeeys ah ka gaarin cida Madaxweyne loo caleemi saari doono. Farmaajo ayaa wato nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Dahir Dhere oo uu gadaal ka wato Cabdiwali Gorad halka Kheyre uu wato Axmad Qoor-Qoor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here