RASMI : Goolhaye Buffon Oo Ku Dhawaaqay In Uu Ka Fariistay Qaranka Italy, Sweden Ayaa U Sabab Ah.

Ka dib markii qarankiisa Italy ay u soo bixi waayeen koobka aduunka ee xagaaga 2018-da lagu qabanayo Russia waxa uu goolhaye Buffon ku dhawaaqay in uu ka fariistay u ciyaaridda qarankaas.

Sweden ayay bar bar dhac bilaa goolal la galeen balse waxaa looga faa`ideystay guushii lugtii hore xilligaas oo looga soo badiyay hal gool oo nadiif ah .

Buffon ayaa damacsanaa in koobka aduunka ee 2018-da noqdo kiisii ugu dambeeyay ee aayihiisa qaranka balse riyadaas Sweden ayaa hawada ku laadday .

Kulankaan ee Italy ku hareen ayuu Buffon u ahaa kiisii 175-aad ee uu u safto qaraka Italy

Goolhayahaas 39 sano jirka ah ayaa kulankiisii ugu horeeyay Italy waxa uu u saftay October sanadkii 1997-dii

Buffon ayaa si murago leh uga hadlay dhibaatada ku dhacday qarankiisa waliba isaga ooynaya ayuu yiri ” muragada kaligeey ima hayso balse Italy oo dhan ayay xanuujineysaa”.

Italy oo markii ugu dambeysay ee ay ka haraan koobkaan aheyd sanadkii 1985-dii ayaa horay ugu guuleystay koobkaas muddo afar jeer ah waxaana ugu dambeeysay sanadkii 2006-dii

 

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII