Rasmi: Filimka Bhaiyaji Superhit iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay

0

Superstar Sunny Deol filimkiisa Bhaiyaji Superhit ayaa 60 Lakh (Trade Figure) keenay Isniintiisa kowaad asigoo 40% hoos u dhac sameeyay marka lala bar bar dhigo Jimcadiisa kowaad ganacsigii uu sameeyay waana hoos u dhac la aqbali karo balse ganacsigiisa ayaaba maalinta kowaad liitay.

Filimka Bhaiyaji Superhit mudo afar maalmood ah wuxuu soo xareeyay 3.75 Crore (Trade Figure) waxaana muuqato in todobaadkiisa kowaad uu keeni doono 5.25 Crore kadibna masii socon doono filimkan waayo tiyaatarada badankooda Khamiistan filimka 2.0 ayaa kala wareegi doono.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Bhaiyaji Superhit iyo mudo 4-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 1 Crore

Sabti – 1 Crore

Axad – 1.15 Crore

Isniin – 60 Lakh

Wadarta Guud – 3.75 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Hollywood-ka ah Fantastic Beasts 2 – The Crimes of Grindelwald ayaa Isniintiisa labaad keenay 50 Lakh sidoo kalena todobaadkiisa labaad wuxuu keeni doonaa 5.50 Crore taasi oo ka dhigi doonto wadarta guud mudo labo todobaad ah ganacsigiisa inuu gaaro 21.50 Crore.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Fantastic Beasts 2 – The Crimes of Grindelwald mudo 11-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 16 Crore

Jimco labaad – 90 Lakh

Sabti labaad – 1.30 Crore

Axad labaad – 1.50 Crore

Isniin labaad 50 Lakh

Wadarta Guud – 20.20 Crore (Trade Figure)

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here