Ranveer iyo Deepika oo ka qayb galayaan arooska Priyanka iyo Nick Jones

0

Lamaanaha dhawaan aqal galeen Ranveer Singh iyo Deepika Padukone ayaa xaqiijiyeen inay arooska Priyanka Chopra iyo Nick Jones ka qayb galayaan kaasi oo saxaraha Rajashtan ka dhacaayo.

Ranveer iyo Priyanka waa labo saaxiibo dhow ah oo aad isku qadariyaan sidoo kalena filimo kala duwan isla sameeyen si la mid ah Deepika iyo Priyanka iyagana aad ayay isku fahansan yihiin waana sababta keentay inay lamaanaha Depveer ka baaqan karin arooska Priyanka.

Cilaan saarka Priyanka Chopra wuxuu dhacayaa 29-ka bishan November halka arooskeeda oo dhaqanka Hinduuga lagu saleeyay dhici doono 2 bisha December ee nagu soo fool leh sidoo kalena isla aroos habka Christian-ka ama Masiixiga loo dhigaayo isagana 3 bisha December ayuu dhici doonaa madaama Priyanka Chopra wiilka ay dooratay Nick uu yahay Ameerikaan Christian ah.

Ranveer Singh iyo Deepika Padukone waqti fasax dheer ma aysan galin waxayna kusoo laabteen Mumbai ayagoo aroos cusub ah dhawaana xaflad weyn ayay Mumbai ku dhigan doonaan si ay saaxiibadooda Bollywood-ka ugu casuumaan.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here