DAAWO: Ra’isalwasaare Kheyre oo Haweenka ugu baaqay ka qeybgalka dagaalka Al-shabab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka qaybgalay munaasabad ay Haweenka Soomaaliyeed ku taageerayeen ciidamada qaranka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha, isla markaana ay ku muujinayeen doorkoodu ku aadan dagaalka dowladda dooneyso iney ku qaado Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed inay hormuud u noqdaan dagaalka dalka looga saaro Al-Shabaab, wuxuna xusay in haweenku ay yihiin bad-baadiyaha qaranka kaalin muuqatana ka soo qaateen halgankii xorriyadda iyo xiliyadii adkaa ee dalku soo maray.

Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumadda ka go’an tahay dumarku iney door fir-fircoon ku yeeshaan siyaasadda iyo go’aamada lagu hagayo dalka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Marka Hore kala doorad siiyay Haweenka iney doortaan ku hoos noolaanshaha wax uu ku sheegay dhibaatada dalka ay ku hayaan Al-Shabaab iyo iney helaan dowladd difaacda nafsadooda

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin ciidamada qalabka sida, kana qayb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale sheegaya in hadii dalkan laga waayo Al-Shabaab ay la baratamayaan Dalalka kale ee caalamka ee Nabada ku Faana.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII