R/Wasaare Kheyre oo Hay’adaha Amniga faray in ay xaqiijiyaan amniga Caasimada.

0

War qoraal oo ka soo baxay Xafiiska R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa looga hadlay qaraxyadii shalay ka dhacay Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa uu si kulul uu cambaareeyay qaraxyadaasi, isagoona tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxyada.

Sidoo kale R/Wasaaraha ayaa waxaa uu caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxyada lagu weeraray Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Hay’ada Amaanka ee Dowlada Federaalka soomaaliya ayaa waxaa uu faray R/Wasaaraha Soomaaliya dardargelinta fulinta qorshaha amniga caasimada ee tubta amniga iyo cadaaladda.

Qaraxyadii shalay ka dhacay Hotelka Saxafi ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 50 qof oo shacab ah, halka 106 ruux ay ku dhaawacmeen Qaraxyada.

Dowlada Federaalka Soomaaliya weli ma shaacin tirada dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay Hotel saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here