Qodobadii laga soo saaray shirka Kismaayo oo dareen ku abuuray Shacabka

Qodobadii xasaasiga ahaa ee Arbacadii laga soo saaray shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada uga soconayay Magaalada Kismaayo, ayaa dareen baqdin leh ku dhaliyay shacabka Somaliyeed.

Shirkan oo laga soo saaray lix iyo toban qodob, ayaa waxaa qaarkood loo arkay kuwo halis ku ah Dowladda Dhexe Somaliya iyo doorkeeda ku aadan hogaaminta dalka iyo dadkaba.

Barraha bulshada, ayaa waxaa si aad ahi loogu hadalhaya waxa ka soo baxay shirka Kismaayo, iyadoona durbaba dhaliilo xoogan loo jeedinayo Madaxweyne-yaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed & Jubbaland.

Dadka qaarkii, ayaa waxay ku doodayan in markii horeba ay fillayeen in qodobo ceynkani oo kale ah ka soo bixi doonaan shirka lagu soo geba-gebeeyay Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Qodobadan waxay khilaafayan hadalka bilowgii toddobaadkan uu Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ka sheegay Magaalada Kismaayo, kaasi oo ahaa in shirku uu dan ugu jiro dadka Somaliyeed oo idil, isagoona ku baaqay inaanan wax shar ahi loo arag shirkaasi.

Aqoonyahanada Somaliyeed, ayaa waxay qodobadan ku sheegeen musiibo dalka ku soo wajahan iyo awood hor leh oo ka dhan ah jiritaanka Dowladda Dhexe, waxaana ay ku baaqeen in si deg deg ahi looga wada hortaggo.

Arrinta hadalhaynta badan dhalisay, ayaa waxay noqotay Madaxda Maamulada oo waxba kama jiraan ka soo qaaday doorkii hogaamineed ee dowladda iyo iyaga oo muujiyay in dalka ay ka arrimiyan Maamul Goboleedyada & Shabaabka oo dhinac ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa war saxaafadeed uu xalay soo saaray si degan uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee taagan, iyadoo uu ku baaqay midnimo iyo wada shaqayn.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xasan Cali Khayre, ayaa isna xalay sheegay inaysan Madaxda maanta jirta ahayn kuwii hore oo kale, waxa uuna ku taliyay inaanan la ogolaan dhaliil ujeedo gaar ahi laga leeyahay, laguna fushanayo dano qaasa, sida uu yiri.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII