Qiso Jaceyl: Aaaminaad maleh Caashaq facebook

Magaceygu Waa Nasra, waxaan daganahay degmada Dayniile, mudo aan sidaa u fogeen ayaan ku soo biiray social media ha kadib markii aan hadiyo ahaan la iigu keenay mobile qurxoon, ma jecleen in aan wax ka baxsan wicitaan in aan u adeegsado balsa gabadha dariska ila ah ee lagu magacaabo Safa Mahamed oo ah gabar gurigeeda uu lahaa Wireless (WIFI) ayaa igu dhiiri galisay in aan sameesto Social Media ah, sawir fiyoore (ubax ah) ayaan soo saartay profile ka facebookeyga, dhoor isbuuc kadib waxaa igu soo darsaday Yaxye Xuseen Kadiye, waxaan fiiray sawiradiisa iyo waxa uu soo post gareeyo, wuxuu iila muuqday in nin aqiyaar ah uu igu soo darsaday hadane qurxoon, style kiisana i cajabiyay, waan aqbalay, salaan buu ila soo maagay, waan ka qaaday, kadibna wuxuu isoo bandhigay iis barasho, waan ka aqbalay, wuxuu iyiri waxaan joogaa Garowe Puntland laakiin dib danbe ayaa ka ogaan doonaa in uu xamar joogyo, wuxuuna ii soo qoray number Golis oo inta badan laga isticmaalo deeganada Puntland, number keyga Hurmood ayaan anigane u qoray, wuu isoo wacay, waxaan aad u rumeestay in uu ku sugan yahay Garowe, balsa caqli xumadeyda numberkaas adiga oo Mogdishu jooga ayaad wadan kartaa, lahjadiisa ma ahan lahjada dadka reer Puntland, waxaan ku iri ma reer Mogadishu ayaa tahay? maya abaayo macaan ee waan ku soo koray aniga oo yar ayuu igu yiri.

Isbarashadeenii way sii balaaratay samada ayee gashay, waxaan u diray sawiradeyda oo ahaa kuwa mardhow aan iskaaga qaaday doogyada bilicsan ay leedahay degmada Dayniile, aad buu ii amaanay, waan kaa helay iyo waad i cajabisay ayuu durbadiiba la soo boodyay, amaantiisa aad bay iigu baxday waayo waa mid taabaneeso qalbiga iyo laabta, waxaan ahay ruux aad u jecel amaanta, waxaan bilaabay in aan anigane xiiseeyo oo markasta aan jecleesto la wadaagida chatting ka, xitaa hadii offline yahay waxaan u reebaa codad iyo qoraal maadaama aan awoodin in aan sitood ah mobile kiisa u wacan karin.

waxaa qoray qisadaan Daalac Daahir Shoot

Markii aan dareemay mudo kadib in aan ka helay wiilkii, waxaan bilaabay gabadhii saaxiibtayda aheed in aan u sheego in maalmahaan in uu ” love” isoo galayo, gabadhii wiilkii magaciisa ayee qorotay kadibna facebookiisa ayee raadisay “add” ayee tiri iyada oo leh waaw waaw waa dumaashi shidan maashaAllah Alla qurux badanaa, ileen dumaashinimada aniga ayee iigu been guureesay damac waalan baa galay, waxay bilaawday in ay soo dajiasto “facebook lite application” kadib user iyo passwordkeyga ayee galisay (gadaal dane ayaan ka ogaanayaa in ay sidaan sameesay) facebooka aan isticmaalo iyada ee ii create gareesay ina bartay sida loo isticmaalo, halkaasna waxay kala socotaa qoraalada macaan ee ina dhex mara aniga iyo wiilka.

Aad waxaan ugu xiisay in aan is aragno, wuxuu igu yiraahdaa Galkacyo imaaw kadib waan is arkeenaa, anigane waxaan ku iraahdaa qof dumar baan ahay ee adiga ayaa ku wanaagsan imaanshaha maad imaatid Xamar? wuxuu igu yiri waan kuu imaanayaa, waan farxay runtii maadaama qof aad daneeneeso ku yiraahdo waan kuu imaanayaa, wuxuu igu yiri waxaan soo baxayaa bisha dhamaadkeeda, wuxuuna igu yiri adiga dartaa ayaan Xamar u imaanayaa, waxaan joogi doonaa mudo laba cisho kadibna Garowe ayaan dib ugu soo laaban doonaa.

Waxaa la gaaray xiligii balanta, wuxuu ii soo sawiray tikidkiisa Galkacyo to Mogadisho, wuxuu yiri waa in aad isoo dhaweesaa oo aad idajisaa Hotel, waxaan ku iri marti baad iitahay waan ku qasbanahay in aan kuu adeego.

Waxaan bilaabay in aan la xariiro asxaabtayda dagan centerka magaalada, kadibna aan dhaho marti ayaa ii soo socoto hala ii qabto qol VIP ah, waxaana la iga qaaday lacag carbuun ah ama booking.

Waxaa la gaaray xiligii uu imaan lahaa kuna beegan maalinta bari ah, waxaan aaday beauty salon si aan isku qurxiyo, habeenkii waxaan ku seexday farxad iyo reen reen, waagii ayaa inoo baryay, waxaan isku diyaarinayaa in aan aado garoonka Mogaishu, waxaan wacday taksiile………. Lasoco Qeybta 2aad Sheekadaan www.warkii.com

DHAGEYSO LIVE 7124322959 AMA 0017124322959

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

error: Content is protected !!