Qiimaynta Ciyaartoyda Xulalka England & Croatia Ee Kulankii Three Lions Koobka Aduunka Looga Reebay- Kumaa Ahaa Xidigii Garoonka?

0

Xulka qaranka Croatia ayaa taariikh cusub sameeyay kadib markii ay iska xaadiriyeen finalka koobka aduunka oo ay markii ugu horaysay u soo baxeen waxaana guusha ay England koobka aduunka kaga cidhibtireen sabab u ahaa Mario Mandzukic iyo Ivan Perisic kuwaas oo dhinaca kale u dhigay gool uu England u dhaliyay Kieran Trippier.

Riyadii xulka England iyo ololihii waalida ahaa ee saxaafada Ingiriiska ee koobka aduunka ayaa si buuxda u soo dhamaaday iyada oo xulka England uu ka mid noqday xulalkii magaca waynaa ee koobkan hadba meel kaga soo hadhayay.

Xulka Croatia ayaa finalka koobka aduunka la ciyaari doona France oo Belgium guul ka sii gaadhay xalay waana kulan kale oo ay labada xul si xoogan ugu dagaalami doonaan koobka aduunka ee rafaadka badan loo soo galay.

Xulka qaranka England ayaa u safri doona magaalada Saint Petersburg halkaas oo ay sabtida kula ciyaari doonaan xulka Belgium kulanka kaalinta saddexaad ee koobka aduunka loogu tartamayo iyaga oo hore iskugu Group u soo ahaa halka Croatia ay ku sii nagaan doonto Moscow halkaas oo uu axada ka dhici doono finalka koobka aduunka ee ay France la yeelan doonaan.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda xulalka Croatia iyo England ee kulankii afar dhamaadka koobka aduunka ee ay labada xul waqtigii dheeriga ahaa isla gaadheen.

XIDIGII GAROONKA: Ivan Perisic ayaa loo doortay xidigii garoonka ugu fiicnaa isaga oo ahaa ciyaartoygii Croatia ugu wax qabadka fiicnaa kulankan. Waxa uu si cajiib ah u dhaliyay goolkii ay ciyaarta ugu soo laabteen ee barbaraha ay ku keensadeen wuxuuna markale caawiyay goolka guusha ee Mandzukic laakiin waxa uu ciyaarta oo dhan ahaa mid firfircoon oo wax qabadn badan.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA CROATIA VS ENGLAND:

Croatia: Subasic (7), Vrsaljko (6), Strinic (6), Lovren (7), Vida (6), Rakitic (5), Modric (7), Brozovic (6), Perisic (9), Rebic (6), Mandzukic (7).

Badalkii: Kramaric (5), Pivaric (5), Corluka (NA), Badelj (NA).

Badal Aan La Isticmaalin: Livakovic, Kovacic, Jedvaj, Bradaric, Caleta-Car, Pjaca, Lovren, Kalinic

England: Pickford (7), Walker (8), Stones (6), Maguire (7), Trippier (8), Henderson (7), Lingard (6), Alli (6), Young (6), Sterling (7), Kane (6).

Badalkii: Rashford (6), Rose (5), Dier (5), Vardy (NA).

Badal Aan La Isticmaalin: Butland, Welbeck, Cahill, Jones, Delph, Loftus-Cheek, Alexander-Arnold, Pope

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here