Qarax Khasaaro Kala Duwan Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho

0

Qarax miino ayaa waxa uu maanta ka dhacay Degmada Hodan Ee Magaalada Muqdisho iyadoo Hadda Faah faahino kasoo baxayaan.

Lama sheegin cid si gaar ah loogu beegsaday Qaraxa,waxaana uu ka dhacay Xaafada Shiirkole oo Booliska Ay Degganaan jiray.

Inta la xaqiijiyey labo qof ayaa dhintay iyadoo labo kale ay dhaawacmeen dhamaan waxay dadkaasi ahaayeen Shicib meesha ka dhawaa.

Ciidamada Dawlada ayaa meesha tegay Qaraxa kadib iyagoo baaritaan sameeyey balse ma jirin cid lasoo qabtay.

Dhowr mar ayey sidaan oo kale Qaraxyo Khasaaro geystay ay ka dhaceen Muqdisho oo Shicib wax kasoo gaareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here