Ninkii weeraray kaniisadda dadka madow oo dil lagu xukumay

Nin ay ku weyntahay cadaannimada, Dylann Roof, ayaa lagu xukumay dil ka dib markii uu sagaal qof oo madow ah ku dilay kaniisad ku taalla South Carolina.

Dylann Roof, ayaa bishii tagtay lagu helay 33 fal dembiyeed, oo ay ka mid ahaayeen, Neceyb, iyo inuu rasaas ku furay dad bible baranaayay sanadkii 2015-kii.

Wuxuu diiday inuu ka soo noqdo naceybka ku jiro iyo falka uu geystay, wuxuuna xeer-beegtida u sheegay, “waxaan dareemayay inay waajib igu ahayd inaan sameeyo, welina waxaa dareemaayaa inaan ficilkaas mid la mid ah sameeyo”.

Xeer-beegtida ayaa seddax saacadood ka doodayay arrintan ka hor inteysan gaarin go’aanka.

Xasuuqaasi ka dhacay kaniisadda wuxuu argagax geliyay Mareykanka, wuxuuna ifiyay dhibaatada ka taagan xiriirka qowmiyada, iyo sii jiritaanka calanka midab takoorka.

Roof wuxuu booliska u sheegay in uu doonayo inuu billaabo dagaal jinsi ku saleysan, waxaana sawir laga qaaday asigoo haysta “calanka colaadda”, kaas oo astaan u noqon kara naceyb.

Musiibadaas ayaa sababtay in calankaasi laga saaro aqalka maamulka South Carolina, halkaas oo 50 sano uu ka babanayay.

Ka dib dilkaasi, Obama ayaa tagay kaniisadda oo la hadlay dadka madow, wuxuuna xusay dadkii billaabay kaniisaddaasi oo madow ahaa.

salaamu Caleykum wr wb, walaalayaal waxaan idinla wadaagayaa inshaAllah, numbarada cusub ee qolka 114 bar ama baro, qolkaan oo ah ... 
hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII