Muxuu Hadiyad Ahaan Jackie Chan U Siiyay Jilaaga Sonu Sood Oo Ay Filimka Kung Fu Yoga Wada Jileen

Jackie Chan iyo Sonu Sood waxay wada jileen filimka Indo-China ah Kung Fu Yoga oo bishan Janaayo 27-deeda gudaha Hindiya laga daawan doono.

Hadaba Times of India ayaa soo bandhigtay hadiyad uu Jackie Chan siiyay Sonu Sood madaama uu ka yaabay sida uu u yahay qof jirkiisa ugu dadaalo caafimaad ahaan.

Sonu Sood wuxuu ka mid yahay xidigaha Bollywood-ka kuwooda ugu jirka diyaarsan sidoo kalena jimicsiga saaxiib la ah.

Jackie Chan wuxuu la cajabay sida Sonu Sood jirkiisa u diyaarsan yahay, sida uu Gym-ka saaxiib ula yahay sidoo kalena raashiin uu cuno oo ah mid dheeli tiran.

Sidaa darteed Jackie Chan wuxuu hadiyad ahaan u siiyay Sonu Sood Gloves-ka gacmaha la gashto marka cayaarta feerka la cayaarayo.

Sonu Sood ayaa ku farxay hadiyadaan wuxuuna sheegay inuu meel dhigan doono sidoo kalena ka mid noqon doonto hadiyada qaaliga ah oo ay siiyeen dadka dunida caan ka ah.

DHAGEYSO LIVE 7124322959 AMA 0017124322959

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

error: Content is protected !!