Mukhtaar Roobow oo ka war helay in la doonaayo in la qaarijiyo

0

Afhayeenkii hore ee kooxda Al Shabaab, Mukhtaar Roobow Cali ayaa lagu soo waramaya inuu ka war helay qorshe ay wado madaxtooyada Soomaaliya oo la doonaayo in saga lagu qaarijiyo.

Roobow ayaa diiday inuu ka tanaasulo doorashada Koonfur Galbeed. Waxaa jira warar sheegaya in Kheyre iyo Farmaajo ay lacag ugu yabooheen Roobow si uu uga haro doorashada laakiin wuu diiday.

Kheyre iyo Farmaajo waxey doonaayaan in la doorto Cabdicasiis Lafta Gareen, laakiin lama dooran doono hadii uu tartamo Roobow, oo u muuqda qofka qura oo ay Digil iyo Mirifle isku raacsan yihiin.

Si aaney is u qasaarin lacagta lagu bixiyay Lafta Gareen, waxaa Villa Soomaaliya ka go’an inuusan tartamin Roobow.

Ilo muhiim ah oo Roobow ku dhow ayaa sheegay inuu wadaadku ka war helay inuu jiro qorshe la doonaayo in lagu qaariyo oo ay wado dowlada dhexe, waxaana uu bilaabaya inuu sameysto ilaalo xoogan oo reerkiisa u badan.

Waxey dad xogogaal ah sheegeen in arrintaan fulinteeda ay iska kashanayaan ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamadii uu dhowaan Ra’iisul wasaare Kheyre geeyay Baydhabo.

Waxa kaloo jira qorshe ah in Roobow lasoo xiro, laakiin arrinta hada soo korartay oo ah in la doonaayo in la qaarijiyo ayaa uga sii dareysa xaalka. Dadka reer Baydhabo waxey wacad ku mareen iney difaaci doonaan Mukhtaar.

Dowlada Soomaaliya waxey u muuqata mid ka weecatay dhabihii siyaasada waxaana ay isku badashay guri ay maamulaan dad shufto ah, oo ay wax walba la fudud yihiin

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here