Mooshin ka dhan ah Cali Cosoble oo la diyaarinayo iyo Xildhibaano is aruursi bilaabay

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in halkaasi gaareen labadii maalin ee lasoo dhaafay Xildhibaano tiro badan oo katirsan maamulka Hirshabelle, kuwaa oo badankood ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadan ayaa hada ku mashquulsan diyaarinta mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble ay ku eedeeyeen in uusan waxba qaban howlo aan maamul;ka iyo shacabka Hirshabelle dan ugu jirina ku mashquulsan yahay.

Sida aan Wararka ku heleyno Xildhibaanadan ayaa inta badan ka careesan Deegaano uu dhawaan degmooyin ka dhigay Madaxweynaha Hirshabelle oo kuyaala gobolka Hiiraan, waxa ayna Xildhibaanada tilaabadaasi ku tilmaameen mid lagu deg degay.

Mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in Madaxweynaha markii hore qaati kaga taagnaayeen digreeto uu dad ku magacaabayo hadana uu ku darsaday in deeganao uu degmooyin ka dhigo isaga oon la tashi ka sameyn.

Waxa uu sheegay Xildhibaankan in muhiim tahay in xiligan isbadal la sameeyo si loo bad baadiyo maamulka Hirshabelle, waxa uuna intaa raaciyay in isbadalka ay doonayaan aysan ku farxi dooni Madaxda Hirshabelle sida uu tilmaamay.

Magaalada Jowhar ayaa hada laga dareemayaa xaalad siyaasadeed oo aad u kacsan, waxaana magaalada wali ku aruuraya Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle kuwaa oo dar dar galinaya diyaarinta mooshin ka dhan ah Madaxwenaha Hirshabelle.

salaamu Caleykum wr wb, walaalayaal waxaan idinla wadaagayaa inshaAllah, numbarada cusub ee qolka 114 bar ama baro, qolkaan oo ah ... 
hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII