Miyay Atariishada Karisma Kapoor Ku Soo Laaban Doontaa Matalida Filimada? Iyada Ayaa Ka Jawaabtay.

0

Atiirshada caanka ah ee Karisma Kapoor ayaa ka hadashay mudada dheer ee ay ka maqan tahay ka soo muuqashada Filimada Hindiga ah.

Karisma Kapoor ayaa sheegtay in ayna u xiisin matalista filimada laakiin ay ku raaxaysanayso wakhtigeeda ay ka fogtahay kamerooyinka.

Gabadhan 44 jirka ah ayaa filimkeedii ugu dambeeyay ka soo muuqatay sanadkii 2012 kaas oo ahaa Dangerous Ishqq.

“Anigu uma xiisin in aan ka soo muuqdo filimada, qof walba waxa uu ii sheegaa in aan wax qabto laakiin waligay ma qorshayn noloshayda, sidaas darteed marna garan maysid in aan ku soo laaban doono filimada”ayay u sheegtay PTI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here