Miyay Alia Bhatt Nolosha Caadiga Ah Dareentay Masayr? Iyada Ayaa Ka Jawaabtay.

0

Alia Bhatt ayaa ka mid ah Atariishadaha ugu tayada Fiican Bollywood-ka iyada oo dhawaan filim cusub la soo matali doonta Aktarka Varun Dhawan.

Atariishada iyo Aktarka ayaa sidoo kale horay uga soo wada muuqday filimida Humpty Sharma Ki Dulhania & Badrinath Ki Dulhania.

Alia Bhatt ayaa maalin walba looga hadal hayaa wargaysyasa dalka Hindiya iyada oo haatan xiriir la leh Aktarka Ranbir Kapoor.

Waraysi ay dhawaan bixisay Atariishada ayaa la waydiiyay in ay marnaba dareentay masayr nolosheeda caadiga ah waxana ay ku jawaabtay.

Alia Bhatt ayaa shaaca ka qaaday in dareentay Masayr nolosheeda caadiga ah waliba masayrka dareentay markii ay ku jirtay dugsiga.

Dhanka kale Alia iyo Ranbir ayaa ka soo wada muuqan doona filim-ka ‘Brahmastra’ si la mid ah Amitabh Bachchan & Mouni Roy oo door muhiim ah ka ciyaari doona filim-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here