MD Farmaajo oo Agaasime Fahad Yaasiin udiray Doha & Mashaariicdii Sacuudiga & Imaaraadka oo Qatar lagu wareejinayo

Wararka laga helayo magaaladda Doha ee dalka Qatar ayaa sheegaya iney gaareen masuuliyiin ka socota madaxtooyadda Villa Somalia.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin xaaji Dahir ayaa gaaray Magaalada Dooxa ee dalka Qadar kadib markii maalintii shalay oo sabti ahayd uu ka dhoofay Magaalada Muqdisho.

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo madaxtooyada Muqdisho ayaa sheegaya in sababta Fahad Yaasiin u aaday Magaalada Dooxa ee dalka Qadar ay tahay kadib markii Dowladda Soomaaliya weysay ballan qaad dhaqaale oo Sacuudiga kol hore siiyay Madaxweyne Farmaajo, sababta u weysay dhaqaalahaas waxay tahay markii Dowladda Soomaaliya khilaafka wadamada khaliifka ka istaagtay mowqof dhexdhaxaad ah.

Fahad Yaasiin oo xiriir la leh Qadar ayaa u tagay Dooxa sidii Qadar u buuxin lahayd booskii ay baneysay dowladda Sacuudiga

Socdaalka Qadar ku jooga Fahad Yaasiin ayaa ah mid qarsoodi ah, lamana shaacinin.

Dhinaca kale Wadaada Ictisaam ayaa ku cadaadinaya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha in Dowladda Soomaaliya bedesho mowqifkooda hore ee ay ka qaatan khilaafka wadamada khaliijka, waxayna wadaadadan soo jeediyan in lala safto Sacuudiga.

Culeyska jira ayaa laga dareemay kulan Shalay oo (Axada ahayd) dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaarihiisa kaas oo qaatay saacado badan waxaana diirada lagu saarayay arrimaha khaliijka.

Dowladda Soomaaliya ayaa weyn karta haddii mowqifkeeda hore ee dhexdhaxaadnimada bedesho kaalmada dhaqaale ay ka helayso Turkiga maadama Turkiga noqday wadanka raashinka iyo qudaarta geeya xilligan Magaalada Dooxa.

salaamu Caleykum wr wb, walaalayaal waxaan idinla wadaagayaa inshaAllah, numbarada cusub ee qolka 114 bar ama baro, qolkaan oo ah ... 
hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII