Maxay Tahay Farriinta uu Mohamed Salah U Diray Jose Mourinho?

0

Laacibka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka war bixiyay waayihiisii Chelsea iyo sida ay u wada shaqeyn jireen macallinka hadda maamula ee Jose Mourinho oo ay xilligaas ku wada sugnaayeen garoonka Stamford Bridge.

Salah ayaa qirtay inuu wax badan ka bartay macallinkiisii xilligaas isa markaasna uu ka dhexeeyay xiriir wanaagsan labadooda.

Wiilka masaarida ah ayaa ku qaatay xilli adag Chelsea, isagoo Jose ag joogay muddo 18 bilood ka hor inta uusan amaah ugu biirin kooxaha Fiorentina iyo AS Roma oo ugu dambeyn si toos ah ula wareegtay.

Isagoo la hadlayay BT Sport ayuu sheegay inuu Jose casharro badan ka helay sidoo kale Frank Lampard uu ahaa ciyaaryahan uu wax badan ka dhaxlay.

Dhanka kale Salah ayaa caddeeyay inuu kalsooni buuxda ku qabo diyaar u ahaanshaha koobka adduunka oo uu xulkiisa kala qayb galayo, ka dib dhaawicii kasoo gaaray garabka bidix intii ay socotay qaybtii hore ee Final-kii Kiev.

XIgasho: laacibkii.Com

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here