Maxaa u sabab ah inay si xad dhaaf ah u cayilaan caruurtu, mase jiraa sarre kac adduunka oo dhan ah?

Caruurta uu hillibka ama cayilku saameynta daran ku yeeshay ayaa ka kacay 11 milyan waxayna gaareen 124 milyan, dunida oo dhan marka la xisaabinayo tan iyo sannadkii 1975tii, baaritaan la sameeyey ayaa sidaas lagu ogaaday.

Taasi waxay ka dhigan tahay in cayilka caruurtu uu boqolkiiba 10 sarre u kacay tan iyo 1970meeyadii. Sicirka haatan ayaana sarre usii kici doona marka la gaaro 2022ka. Caruurta dhalan doonta wixii haatan ka dambeeya ayaana la filayaa inay noqdaan kuwo ka cayilan kuwii la arki jiray.

Dhanka wiilasha marka cabirkaan laga galo, boqlkiiba 0.9 wiilasha dhallintar ayaa cayilkoodu sarre u kacay, gabdhahana boqolkiiba 0.7 tan iyo 1975tii, adduunka oo dhan, baaritaan uu sameeyey wargeyska Lancet medical journal ayaa sidaas lagu sheegay.

Dalalka horumarka sameynaya ayaana la sheegay inay yihiin kuwo caruurtooda ay inta badan cayilka la socon waayeen, Yurub iyo America ayaana ka siman sicirka caruurta cayilka maarada looga waayey.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII