Maxaa ka jira wararka sheegaya inuu Is casilay Taliyaha Hay’adda NISA

0

Waxaa Inta Badan Baraha Bulshada Si Aad Ah Looga Hadal Hayaa Warar Sheegaya In Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Iyo Nabadsugida Qaranka Somalia Xuseen Cusmaan Uu Iska Casilay Xilkiisa.

Warqad Lagu Muujinaayo Is Casilaada Oo Lagu Faafiyay Baraha Bulshada Ayaa La Sheegay Inay Tahay Mid Uu Qoray Taliyaha, Inkastoo Aan La Xaqiijin Karin Caafimaad Qabka Warqadaasi.

Qoraalka Warqada Oo U Muuqda Mid Aan Fadhin Ayaa Waxa Ay Si Toosa Ugu Soctaa Wasiirka Amniga Qaranka Somalia, Iyadoo Lagu Muujiyay Sababta Ka Danbeysay Dalabka Taliyaha Ee Ku Aadan Is Casilaadiisa.

Warqada Ayaa Waxaa Lagu Xusay In Sababta Is Casilaada Taliyaha NISA Ay Tahay Mid Ay Ka Danbeysay Shaqo Xumu Kaga Imaaday Dhanka Aggaasimaha Madaxtooyada Somalia Fahad Yaasiin Iyo Nin Magaciisa Lagu Sheegay C/Llahi Aadan Kulane.

Warqada Oo La Sheegay Inay Tahay Mid Been Abuur Ah Ayaa Waxaa Sameynteeda La Xaqiijiyay Inay Ka Danbeeyen Dhinacyo Aad Uga Xun Shaqooyinka Ay Hayaan Maamulka Iminka Gacanta Ku Haya NISA.

Warqada Oo Ay Ku Jiraan Khaladaadyo Dhowr Ah Ayaa Waxaa Sameynteeda Kaalin Weyn Ka Qaatay Xubno Ka Tirsan Mucaaradka Oo Iyagu Ka Didsan Shaqooyinka Hay’adda Kuwaasi Oo Dhaliilo Badan Tabanaayo.

Si Kastaba Ha Ahaatee, Baraha Bulshada Ayaa Waxaa Caado Ka Noqotay Baahinta Warqado Been Abuur Ah Oo Lagu Waxyeeleynaayo Shaqooyinka Qaranka

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here