Maxaa Ka Jira In Maxkamad La Soo Taagay Atariishada Shilpa Shetty Sabab La Xidhiidha Lacag Ay Qoyskeedu Amaahdee?.

0

Atariishada Caanka ah ee Shilpa Shetty Kundra ayaa ka hadashay wararka sheegaya in maxkamad la soo taagay iyada, hooyadeed iyo walaasheed sabab la xidhiidha lacag amaah ah oo ay qaateen.

Shilpa Shetty Kundra ayaa sheegtay in ayna ku lug lahayn shirkadii uu ka dhintay aabeheed xilli ay jiraan warar sheegaya in hooyadeed iyo walaasheed la soo taagay maxkamad sabab la xidhiidha lacag dhan 21 crore oo ay amaahatay shirkada Surendra Shetty.

“Wax lug ah kuma lihi shaqada shirkadii Aabahay ka tagay, wax war ahna kama hayo arimaha dhaqale ee shirada Gabi ahaan”ayay Shilpa tidhi.

Warkan ayaa jawaab u ah wararka sheegaya in qoyska Shilpa oo ay iyadu ku jirto in la soo taagay maxkamada kadib lacag ay amaahdeen oo ay soo celin waayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here