Masuul Katirsan Xukuumadda Puntland oo Ka Hadlay Bandhig Faneedkii Xaliimo Gobaad iyo Waxa uu Puntland Uga Dhigan Yahay.

0

Fanaanadda caanka ah ee Xaliimo Gobaad ayaa xalay jebisey difaacii culimada Puntland ay kaga hortegi jireen bandhig faneedyada lagu qabto deegaamada Puntland gaar ahaan Garoowe.

Fanaanadda ayaa AJJ Plaza ku qabtay bandhig faneed ballaaran oo ay ka qaybgaleen boqolaal kamid ah dhalinyarada kunool magaalada Garoowe, taasi oo noqonaysa markii ugu horaysay ee bandhig noocaan ah lagu qabto magaalada Garoowe.

Arrintaan ayaa abuurtay hadal hayn ballaaran waxaana la dadka qaar sheegayaan in joojinta bandhiggaan aan looga fadhin culimada haseeyeshee laga rabay inay ka qayb qaataan madaxda dowladda iyo qaybaha kale ee bulshada Garoowe.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caaladda dowladda Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cusmaan ayaa cambaareeyey bandhig faneedkaasi wuxuuna sheegay inuu yahay bilow aan wanaagsanayn meel ka dhacna ku ah diinta Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here