Mareykanka oo 40-Dagaalame Daacish & Shabaab ah ku dilay Hal Todobaad

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa  sheegtay in ciidamadoodu howlagalo isxig-xigay oo ay Soomaaliya ka fuliyeen ay ku dileen 40 Dagaalame oo ka Tirsan Al-shabaab iyo Daacish, Howlagaladaas oo soo Bilowday Isbuucii lasoo dhaafay.

Militariga Mareeykanku Shan weerar oo Duqaymo ah ayuu  ku qaaday Meelaha ay Soomaaliya ka joogaan Al-shabaab iyo Daacish, waxuuna ku dilay 36 Dagaalame  oo ka tirsan Al-shabaab iyo Afar ka tirsan Daacish, sidaas waxaa Warbaahinta u sheegay Afhayeenka pantigon ka Mareeykanka Colonel Rob Manning.

“Iyagoo kaashanaya Dowladda faderalka ah ee Soomaliya, ciidamasdda Mareeykanku waxay Soomaaliya ka Fuliyeen Shan Weerar oo ka dhan ah Al-shabaab ISIS, laga soo bilaabo 9 kii illaa 12 kii Bishaan, waxaan Meesha ka saarnay 40 Argagixiso ah” ayuu yiri Manning.

Afhayeenka Gaashaandhigga Mareeykanka ayaa Hadalkiisa ku daray in Weeraradaan uu Qaaday Taliska Mareeykanka ee Qaaradda Africa, waxayna Daba Socdeen Weerardii Qasaaraha Badan Sabay ee kadhacay Muqdisho Bishii lasoo dhaafay.

Mareeykanku wuxuu weeraradiisa kordhiyay Markii Bilowgii sanadkaan  Madaxweeyne Trump uu ogolaaday in la kordhiyo weeraddda Soomaaliya laga fuliyo ee ka dhanka ah Al-shabab iyo daacish.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII