Madhuri Dixit & Anil Kapoor Oo 16 Sano Kadib Isku Soo Laabtay …Ma Ahanse Saad Mooday Ee Waa Wada Shaqeyn..

Yaan u xiisin ciyaarta iyo jiliinka heesta Dhak Dhak Karne Laga oo ah hees ay caan ku yihiin Anil Kapoor iyo Madhuri Dixit, waxaana ay noqdeen laba shaqsi ee ugu saameynta badnaa Bollywood-ka 16 sano ka hor.

Filimaan caan ah ayey wada sameeyeen oo weliba shactaro iyo jacel u badan waxaana kamid ah Ram Lakhan, Parinda, Pukar, Beta.

Balse jilaayaashaan ayaa hada dib usoo laabandoonaan oo wada shaqeyndoonaan , waxaana ay qorsheynayaan inay si wadajir ah uga soo muuqdaan filimka Total Dhamaal oo hada qorshihiisa la wado.

Total Dhamaal waa filim uu soo saare ama Director ka yahay Indra Kumar waxaana uu xaqiijiyey in filimkiisa ay kasoo muuqandoonaan Anil and Madhuri maadaama ay yihiin laba jilaa oo saameyn ku leh Bollywood-ka.

Marka xaqiiqda laga hadlo waxaa ay ahaayeen laba ruux oo wada shaqeyn ahaa si fiican isku fahmay weliba waxaa ay aad u jilayeen filimada qoyska iyo jaceylka , waxaa ay dadka xitaa jecleeysteen inay si dhab ah isku guursadaan.

Anil and Madhuri ‘’Haa Anil Kapoor iyo Madhuri Dixit ayaa kasoo muuqandoono Total Dhamaal kaaasi oo duubistiisa bilaabandoonta January, filimka waxaa uu ahaandoonaa mid shactaro ah, balse laba shaqsi waxaa ay ka qaadandoonaan door kale,’’waxaa sidaa xaqiijiyey Director-ka filimka.

Dad badan ayaa sugaya qaabka ay markale iskula jaanqaadidoonaa Madhuri iyo Anil Kapoor , waxaana laga yaabaa in sidii hore ay usoo jiidanayeen taageeriyaasha aan waxba iska bedelin.

Hadaba Hoos Ka Daawo Heesta Ay Caanka Ku Yihiin Ee Dhak Dhak.

Waxaa Qoray: Amoore Barre

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII