Madaxweyne Farmaajo oo dalka ka dhoofay iyo safaradiisa dibeda oo sii kordhaya

0
258

Waxaa galabta ka dhoofay Magaalada Muqdisho wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Famaajo, iyagoo ku sii jeeda Magaalada Sharm El-Shiikh ee dalka Masar.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayey wararku sheegayaan iney Sharm El-Sheikh kaga qeyb galayaan shirka horumarinta ganacsiga Afrika oo halkaas ka dhacaya 7-9 bishan.

Sida ay sheegayaan ilo wareed ku dhow Madaxtooyada Somalia Waxaa shirkan ka qeyb galaya Madaxweynayaal Afrikaan oo ka kala socda dalalka Ivory Coast Rwanda, Guinea, Comoros iyo Masuuliyiin kale, waxaana diirada lagu saarayaa xoojinta iyo casriyeynta ganacsiga Afrika.

Safarka Madaxweyne ku tagayo dalka Masar ayaa noqonaya kii labaad tan iyo markii loo doortay xilkan bilowgii sanadkan.

Farmaajo ayaa intii uu ku jiray ololihiisa doorashada waxaa uu madaxdii dowladii hore ku dhaliili jiray safarada badan ee ay dibeda ku tagaan, wuxuuna balan-qaaday in haddii uu xilka qabto uu aad u yareyn doono, dibedana ku tagi doono oo kaliya safarada muhiimka ah.

Hase ahaatee Farmaajo ayaan ka dhabeynin balan-qaadkaas isagoo mudada gaaban ee uu xilka hayo safaro fara badan ugu ambabaxay dalka dibediisa, wuxuuna safarkii ugu dambeeyey todobaad ka hor ku tegay dalalka Kenya iyo Ivory Coast.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here