Madaxweynaha Soomaaliland Oo Sir Ka bixiyey Sababta Farmaajo udiidan Yahay Wada hadalka & Dalal Kusoo Biiray Inay…

0

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa waxa uu shaaciyey sababta keentay in dawlada Federaalka Soomaaliya ay udiidan tahay Wadahadalka dhexmara iyaga iyo Soomaaliland.

Muuse Biixi Cabdi ayaa ka sheegay Hadal Kulan ka dhacay Magaalada Borama isagoo sheegay in Todobaadka Dambe uu dhacayo Kulan dhexmaraya Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Taariikh 19 Bishaan ayaa Dalka Ghana loo ballansan yahay in Kulanka uu ka dhaco sida Madaxweynaha Soomaaliland warka ku xaqiijiyey.

Waxay Ilo wareed lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in Soomaaliland ay garwaaqsan tahay la wada hadlida Dawlada Federaalka Balse ay kasoo horjeedo in Qaranimada ay isku aqoonsan tahay la mijo xaabiyo.

Madaxweyne Biixi ayaa qiray in ay Mareykanka,Sweden iyo UK ay sidoo kale kusoo biireen wadahadalka laga dhex sameenayo Soomaaliland iyo Soomaaliya,xilli Hore Turkiga Garwadeen looga dhigo.

Waxa uu Mr Biixi sheegay in Muqdisho Mas’uuliyiin katirsan ay dhowr jeer sheegeen in aysan Wada hadalkaas miro dhal noqoneyn hadii aan Soomaaliland ay Kusoo Laaban Somali Weyn taasna ay tahay Xad gudub Qaranimadeena ah ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here